MW Farmaajo oo ciidankii Afgoye joogay heegan galiyay ka dibna ka dhuuntay. Saraakiishii oo yaaban!

Reading Time: < 1 minute

Mudo laga joogo sideed cesho ayaa Madaxweyne Farmaajo waxa uu amray in ciidanka xooga dalka la diyaariyo isla markaana loo raro magaalada Afgooyo halkaas oo howl galo  ciidan ka dhici donaan. Waxaa uu kaloo ku amray saraakiisha in uu isaga hogaaminayo howlgalkaas isla markaana dagayo degamada Afgooye. Saraakiisha oo fulinaya amarka Madaxweynaha ayaa sameeyay diyaargarow xoogleh islamarkaana qaatay saanad, iyo raashin loo raray degaanada la doonayo in ay ka dhacaan howgalka. 

MW Farmaajo ayaan balantii uga baxay ciidankii waxaana ay hadda joogaan deegaanka Afgooye iyaga oo aan ogaynin tilabada xigta ee la qaadayo. Sarkaal ka mida saraakiisha oo hogaaminaya ciidanka kana  gaabsaday in uu magaciisa sheego ayaa u sheegay MOL in ay waxa lala yaano tahay in ciidan la abaabulo, heegan la galiyo  isla markaana aan shaqo loo dirin. Waxa uu yiri ” MW Farmaajo diyaargrow ayuu heegan ayuu na galiyay  ka dibna waa naga dhuuntay, war hadii uu naftiisa u baqay waa in uu noo sheegaa si aan ciidanka uga saarno heeganka, waxaa macquul ah cadowga ka faa’iidaysto”