MW Farmaajo oo amray in xoog loogu wareejiyo dhul aysheegten Ilmo Mohamed Siyaad Bare

MUDADA U HARSAN XILKA MADAXWEYNE FARMAAJO
6 5 days
1 1 hours
0 6 minutes
3 4 seconds
Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saakay ciidamada dowlada Soomaaliya oo wata katarabiilo bur burin ku bilaabeen guryo ku yaal Dagmada Afgooye

Ciidamada DFS oo wata gadiidka katarabiilka  bilaabay ineey ku kordudumiyaan dad shacab ah oo aan ka warheeynin hajuunka kusoo foooley, iyadoo Ciidamada Farmaajo ay adeegsadeen awood ay u adeegsanayaan dadka danyarta ah.

Sida lagu arki karo muqaalo laga soo duubay burburka guryaha & alaabta dadka kunoola guriga  iyadoo intaas ay dheertahay caruurta ka muuqata diifta iyo dhibaatada ee laga so bixinaayo guryahay.

Guryaha la bur burinayo ayaa kuyaala agagaarka Kontaroolka Baar Ismaaciil gaar ahaan dhul ay lahaayeen Ciidamada Asluubta, waxaana dhulkan sheegtay in uu leeyahay wiil uu dhalay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.

Dadka guryaha laga bur burinayay ayaa sheegay in awood ciidan iyo mid qabiil loo adeegsaday lana dhibaateeyay,

Reer Konfur Galbeed ayaa dhibanayaal u noqday Maamulka MW Farmaajo oo alaaba xasuuqa shacabka aan waxba galabsan mana heestaan maamul kadifaaca dhibaatada loogeysanaay & xildhibaano ka dhidhiya tacadiyada iyadoo sido kale la ogyahay in hada Xildhibaanada Reer Koonfur Galbeed ay isku dhiibeen MW Farmaajo halka ay ka dhidhinlahayeen dhibaatada dadkooda heesata .

Doorasho