MW Farmaajo oo amaro culus dul dhigtay wariyayaasha iyo fanaaniinta u shaqeeysa dowlada

Reading Time: < 1 minute

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo meelmarinaysa go’aano uu  qaatay Madaxweyne Farmaajo ayaa amarro culus dul-dhigtay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaasoo si aan rasmi ahayn uga hawl-geli jiray warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka ka jirta.

Sida lagu sheegay amar ka soo baxay wasaarada  xubnaha amarrada la dul-dhigay waxaa ka mid majaajiliistayaasha ka tirsan wasaaradda sida; Maki Xaaji Banaadir iyo Oday Cabdulle, waxaa kaloo sidan oo kale amarro loo dul-dhigay fannaaniinta ka tirsan waaaradda ee qaar ka mid ah warbaahinta gaarka loo leeyahay ka baahiya barnaamijyada u badan wacyi-gelinta.

Wariyeyaasha Idaacadda dowlada ka hawl-gala ayaa lagu wargeliyay inay ka digtoonaadaan inay ka shaqeeyaan goobo kale oo aan wasaaradda ahayn waxaana wariyihii lagu helo arrintan la sheegay in shaqada laga cayrinayo.

“Runtii tallaabooyinkaan waa kuwo gumeysi cusub ah, waayo qorshaha laga leeyahay waa in shaqaalaha wasaaradda la eryo ee ma ahan mid lagu diidan yahay shaqooyinka warbaahinada kale,” ayuu yiri mid ka mid ah xubnaha ka shaqeeya wasaaradda warfaafinta Somalia.

Waxaa muuqatata in Farmaajo uu go’aansatay in ay dagaal ku qaado wariyayaasha xalaal quudata ah oo dhibaato badan ka soo maray sidii looga adkaan lahaa kooxaha nabad diidka ah.

Suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta dowladda ayaa qaarkood waxay u soo dhabar-adaygeen hawsha wasaaradda, iyagoo kasoo billaabay meel cabsi leh qaarkoodna ay dishay Al-shabaab, sabablo la xiriira madaxaad idaacaddaas uga shaqeysaan.

Amarradan ayaa waxay imaanayaan iyadoo dhawaan uu xilka wasaaradda iska casilay Daahir Maxamuud Geelle oo wasiir ka ahaa muddo aad kooban, isagoo sheegay inay isaga iyo RW Somalia isku fahmi waayeen shaqooyinka wasaaradda, isaguna uu go’aansaday inuu xilka ka dago.