Madaxweyne Farmaajo ayaa shir aan caadi ahayn asbuucii hore la qaatay maamulka Gobolka Banaadir. Shirkaas uu isaga codsaday ayaa ahaa mid wajiyo badan lahaa waxaana logga hadlay arimaha Gobolka Banaadir iyo horumarkiisa. Farmaajo ayaa ka dhagaystay dhalinyaradii shirka ka soo qayb-gashay oo intooda badan da’doodu ay ka hooysaysay 25 jir warbixino u badnaa faan iyo buun-buunis oo sheegaya in Gobolka Banaadir ku tilaabsaday horumar.
Farmaajo oo ay ka muuqato caro ayaa dhalintii shirka ka soo qaybgashay ku eedeyay in ay gabeen howshii laga sugaayay, gobolka Banaadir-na uu qarka u saaran yahay in kacdoon shacab ka dhaco.
Farmaajo ayaa waxa uu la yaabay faanka iyo beenta ay ay dhalinyaradda isaga marakacayeen. Farmaajo ayaa ugu goodiyay caruurta uu u dhiibtay in ay maamulaan Gobolka Banaadir in uu waxbarasho u diraayo qaar badan oo ayaga ka tirsan. Waxa cajiib ahaa dhalintii shirka ka soo qayb gashay midkaas waxaa uu ku labisnaa dharka loo yaqaano suit nooca ugu qaalisan. Marka aad hanti badan ku aaminto caruur shaqadii ugu horeysay oo ay qabtaan noqay in aan maamulaan 3 milyan oo qof oo ku dhaqan magaalada Muqadishu maxaad ka filan kartaa?
Kulanka marka uu dhamaaday ayaa Farmaajo waxa uu si gaar ah ula shiray Cabdiraxman Yarisow iyo ku xigeenadiisa. Farmaajo oo ay la soo daristay dhaqaale xumi ayaa lacagtii uu isaga iyo xaaskiisa ka heli jireen gobolka waayay ka dib markii shacabka reer Muqadishu gaar ahaan gacansatada ay diideen in ay bixiyaan lacag baad ah. Ganacsatada intooda badan ayaa ganacsigoodii u wareejiyay Somaliland, Puntland iyo wadamada dariska ah.
Farmaajo ayaa ku amray mas’uuliyiinta Gobolka in ay qaadaan talaabo kastaa oo lacag looga soo qaadi karo shacabka ku dhaqan magaalada Muqadishu.
Farmaajo oo xanaaq ka muuqdo ayaa yiri “..ma u dulqaadan doono daqliga Muqadishu naga soo gala oo hoos u sii dhacaya, waxa kaliya ee dowlada iyo anagaba aan ku nool nahay waa daqliga Muqadishu”. Yarisoow ayaa isku dayay in uu sharaxo sababaha keenay dhaqaale xumida ka jirta Muqadisho, inta uusan hadalka sii dhamaysan ayaa lagu yiri ” .. wixii aad doonto sameey, afar asbuuc ayaad heysataa in aad labo laabto daqliga laga soo aruuriyo shacabka Muqadishu”.
Yariisow ayaa maalintii Sabdiga kulan gaar ah u qabtay dhalintii isaga madaxda looga dhigay. Waxa uu u sharxay canaanta ka timid Farmaajo isaga oo codsaday in la keeno xeelad lacag looga soo qaado shacabka Muqadishu. Yarisow oo aan u naxeeynin dadka Muqadishu ayaa doonaya in asbuuca soo socda ka bilaabo Gobol Banaadir olole daqli aruurin ah taas oo xoog lacag looga qaadayo dadka Muqadishu.
Dad badan ayaa rumeysan hadii Yariisow isku dayo in uu taabgaliyo qorshahaas in ay keeni doonto kacdoon shacab taas oo ku dhamaan doonto iska-horimaad ciidan.
Shaqaalaha Gobolka Banadir ayaan mushaar qaadanin in ka badan afar bilood ee la soo dhaafay halka lacagta laga soo qaado shacabka Muqadishu si toos ah loo geeyo guryaha Farmaajo iyo Xasan Kheyre.