Inta aan isaga taageersanayn ee mucaaradka ah waa qaran dumis weerarkoodu bannaan yahay; saxaafadda runta sheegta waa war-xumo tashiil, xildhibaanada ra’yigooda muujinaya waa kuwa waalan, qaarkood waa kuwo xannaaqsan; kuwo dhibannaa oo halgan hubaysan Itoobiya kula jiray waa argagixiso. Aslanba waxaa ka dhaadhacsan in malaayiin Soomaaliya ah aanay aqoon waddaniyad, asaga ka hor laga ma hadli jirin.
Labo sannadood ka hor, gobolada dalka waxaa ka dhacayay dibad baxyo farxad wata oo lagu soo dhoweynayo is beddelka dimuqraadiyadeed iyo xurriyada is doorashada iyo is beddelka xukunka.
Adduunka oo dhan baa ammaanay Soomaaliya. Qoraa caan ah, ciil haya oo u dhashay mid ka mid ah dalalka ugu nabdoon, ugu hodansan, ugu nabadgalyada badan ee Carabta ayaa inta uu soo qaatay sawirkii 3-dii madaxweyne Farmaajo, Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh oo gacmaha is heysta, wuxuuna ku qoray, “yaa dalkayga ka dhiga Soomaaliya”.
Xilligaasi Kenya waxaa laga baqayay rabshado ka dhasha doorasho aan la wada aqbalin; Itoobiyana waxaa ka jiray maamul keli-talis iyo cabburin ah.
Itoobiya waxay isu beddeshay dal fur furan, xitaa Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ka dhashay maamul fur furan, iyo hoggaan aragtiyo casri ah xambaarsan, Kenya maamulka wuxuu furfurnaan u muujiyay mucaaradka, xurriyadna way jirtaa weli.
Laba sannadood kaddib, Soomaaliya waxay martay waddadii keli-taliska! Waxaa la burburinayaa dhammaan laammihii kale ee dowladnimada, iyo hey’adaha kale ee kaabaha u ah sida saxaafadda xorta ah iyo mucaaradka, halka laanta fulinta loo xoojinayo qaab u sahlaya takri-fal aan laga hadli karin.
Soomaaliya ma burburin shisheeye sida uu madaxweyne Farmaajo jaaliyadda Kenya u sheegay. Soomaaliya waxaa burburiyay qaab-daradda xukunka, iyo ku xad-gudubka sharciga iyo xuquuqda mawaaddinka kaas oo sahlay in ay furmaan waddadooyinka uu shisheeyaha ku imaan karro.
Majaladda Foriegn Policy ayaa qortay 10 hab-dhaqan oo muujinaya in keli-talis uu ka dhalanayo dal, haddaad aqriso adigoo wax fahamsan, xaalka dalkana la socda, waxaad arkaysaa in dhammaan calaamadaas ay muuqdaan.
Sida qoraaga Carabta ahaa uu sheegay, xurriyadda, is-la xisaabtanka iyo is-beddelka xukunka ayaa ka sharaf badan hanti, nabad-galyo iyo adeegyada kale.
Shaki ma gelinaayo in uu madaxweyne Farmaajo uu jecel yahay dalkiisa, laakiin waxaa cad in madaxweynaha uusan fahamsanayn qiimaha xukunka wannaagsan, iyo waxa dalkiisa burburiyay. Haddii uu og yahay, dalkaan uma horseedeen ku noqoshada waddo hore loogu soo hoogay!
Boggiisa baraha bulshada waxaan ku arkay sawir 1990’s bilowgeeda ah asagoo jooga America, aniga markaas waxaan ahaa caruur ay xabado ku dul dhayacaan, agagaarkiisa macluul loogu dhammaanayo, mustaqbal iyo rajo midna aan u muuqan. Waan uga xannuun badanahay dowladnimada, marna ma rabo in Soomaaliya waddadaas lagu celiyo.
Madaxweynaha haddii keli-taliskii marka uu soo xusuusto uu arkayo nabaddii, waxbarashadii, oo ugu dambeyna asagoo dhallinyara ah siisay fursad uu ku noqday diblomaasi joogay Maraykanka, aniga waxaan xusuusta ba’ii iyo halaaggii uu uga tagay dadkii igu da’da ahaa iyo waaliddiintooda!
Dhammaan muwaaddiniinta ila mid ahaa waxaa waajib ku ah in carruurta maanta joogta uusan masiirkooda noqon sida keenna oo kale. Madaxweynaha xannuunkaas ma fahmo marna.
Xitaa haddii uusan 2021 soo noqon, wax walba oo uu sammeynayo waxay noqonayaan tubo (precedent) oo kuwa ka dambeeya uu u gogol xaarayo, kammana xishoon doonnaan in ay maraan.
Maalmihii uu dhacayay keli-taliye Hosni Mubarak ayaa wariye Amanpour oo ka socotay CNN waxay weydiisay sababta asagoo 30 sanno madaxweyne ahaa, haddana uu arkayo malaayiin ka hor timid sababta uu xukunka isugu dhejinayo. Wuxuu ku jawaabay, “waxaan ka baqayaa in qof i beddelaba laga waayo muwaaddiniinta”. Gabadha wariyaha ahayd oo yaabtay ayaa tiri, ” ma 100 milyan oo muwaaddin”.
Xaalka madaxweynaha waa asaga oo wax walba og, inta taageersan, inta kale waa uu wada shaabadaysan yihiin. Ma laha dalkana keligiis baa iska leh!
WQ. Xasan Adan Xooshow