MW Farmaajo iyo RW Kheyre oo shir albaabada u xiran yahay kula jira Gud. Mursal

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya u xaqiijiyay MOL in MW Farmaajo iyo RW Kheyre uu hadda u socdo wadahal la isku mari la’ayahay oo ku saabsan sidii uu Gud. Mursal uu dhaqan gelin lahaa go’aankii lagu kala diray guddiga maaliyadda ee uu soo diyaaray RW Kheyre si aanan loola xisaabtamin xukuumaddiisa.

Xukuumadda RW Kheyre iyo hoggaanka MW Farmaajo aya noqday madaxdii ugu musuqa badneyd ee soo marta taariikhda dowlad Soomaaliyeed iyagoo xaalashadii hantidii qaranka isla markaana dagaal toos ah la gala cid walba oo isku dayda in aay ka hortimaado xatooyada xoolaha dadweye ee ay caadeysteen MW Farmaajo iyo RW Kheyre.

Sida loo sheegay MOL waxa RW Kheyre iyo MW Farmaajo ay isku dayayaan in aay laaluushaan Gud Mursal balse lama öga sida uu xaalka ku danbeyn doono.

Saacadaha soo socda ayaan idiin soo gudbin doonaa faahfaahin ku saabsan shirka hadda u socda seddexda masuul