Roobab xoogan oo Daadad wata ayaa ku dhuftay deegaanka heemo ee waqooyiga mudug, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen laba wiil oo dhalin-yaro ahaa, kuwaa oo biyaha daadadka ay horay usii qaateen.
Wararka ayaa sheegaya in mid kamid ah uu ku dhacay meel mool aheyd, kadibna uu wiilkii kale isku dayay inuu ka saaro moolka saaxibkiis, balse uu ku dhacay wiilkii kale bohosha walina la la yahay dhalinyaradaasi.
Labada wiil ee daadadku ay la tageen ayaa la sheegay iney ku rideen dooxa mudug oo ay isugu imadaan dhamaan biyaha buuraha halkaasi ka soo shubma iyo kuwa daadadka ee deegaanka kasoo gadooma.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in labada wiil maanta ay doonayeen iney u fariistaan imtixaan, balse qadarta alle ay la tageen daadad xoogan oo ku dhuftay deegaanka Heemo ee waqooyiga gobalka mudug, halkaasi oo labada wiil ay ku dhaqnayeen.