MW Farmaajo dalka ma gelin karaa xaalad deg-deg ah? (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale xalay kulan ka yeeshay ammaanka faraha ka baxay ee magaalada Muqdisho, oo maalmihii dhowaa ay qaraxyada caadi ka noqdeen.

Kulanka ayaa looga hadlay sida wax looga beddeli karo xaaladda magaalada Muqdisho, waxaana waxyaabaha yaabka leh ee la isku soo qaday ka mid ah in magaalada la geliyo xaalad deg deg ah muddo 3 bilood ah, sida ay saraakiil ka tirsan Villa Somalia u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Tallaabadan ayaa u ogolaaneyso dowladda in ciidamo badan kusoo daabusho magaalada, la xiro dhammaan waddooyinka magaalada, gur-guri loo galo, islamarkaana ugu yaraamn la hakiyo qaraxyada joogtada ah ee magaalada.

Qorshahan ayaa la sheegay in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay mabda’ ahaan isku raaceen hase yeeshee waxaan weli la hayn qaabkii loo fulin lahaa. Waxaa sidoo kale laga cabsi qabaa in baarlamanku ansixinayaan iyo in kale marka madaxweynuhu ku dhowaaqo, maadaama dastuurka dhigayo inay qasab tahay in baarlamanku ansixiyo.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa lagu warramayaa in ka cabsi qabaan in qorshahan aysan xildhibaanada baarlamanka ogolaan doonin, taasi oo darteed aan weli qorshahan loogu dhowaaqin.

[su_service title=”Hoos ka aqriso waxa uu dastuurka Soomaaliya ka dhahayo xaaladda deg degga ah.” icon=”icon: star” icon_color=”#FC0202″ size=”32″ class=””][/su_service]

 

[su_box title=”Qodobka 131aad. Xaalad Deg degga ah” style=”default” box_color=”#333333″ title_color=”#02FC09” radius=”3″ class=””]

(1) Xaalad deg deg ah waxaa la soo rogi karaa keliya haddii ay lagama-maarmaan u tahay wax ka qabashada xaalad ba’an oo ka dhalatey dagaal, weerar, fallaaganimo, kala-dambeyn la’aan, masiibo dabiici ah ama arrin kale oo deg deg ah oo ba’an.

(2) Xaalad deg deg ah waxaa looga dhawaaqi karaa guud ahaan ama qayb ahaan dalka, laakiin waa in aanu ka badnaan inta loogu baahan yahay in wax looga qabto xaaladda.

(3) Madaxweynaha isaga oo tallaabadiisa ku saleynaya codsi uu u soo jeediyey Golaha Wasiirrada waxaa uu ku dhawaaqi kara xaalad deg deg ah oo lagamamaarmaan ah, taas oo markaa ka dib ay kaga doodi karaan, oo ayna ku ansaxin karaan, labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka muddo 21 maalmood gudahood ah ka dib marka lagu dhawaaqo xaaladda. Doodaha Baarlamaanka Federaalka waxaa ay ahaanayaan kuwo aan qarsoodi ku dhicin oo dadweynaha u furan haddii aaney taasi diideynin xaaladda jirta.

(4) Baarlamaanka waa uu oggolaan karaa ama waxaa uu u kordhin karaa waqtiga isaga oo gaarsiinaya muddo aan ka badneyn saddex bilood. Haddii Baarlamaanka Federaalka uusan oggolaan ama uusan waqti ku darin xaalad deg deg ah, markaa xaaladda deg degga ah ma jireyso.

(5) Ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah waxaa ay laanta fulinta siin kartaa awoodo gaar ah oo loogu baahan yahay wax ka qabashada xaaladda oo keliya.

(6) Awoodaha lagu bixiyo xaaladda deg degga ah gudaheeda kuma jirayaan awoodo loogu xadgudbayo xuquuqaha ku jira dastuurkan, haddii xadgudubkaasi aanu gebi ahaanba lagamamaarmaan u ahayn ujeeddooyinka wax ka qabashada xaaladda deg degga ah.

(7) Saxnaanta ku-dhawaaqista xaaladda deg degga ah, iyo habraacyada loo maro ku dhawaaqista, waxaa lala tiigsan karaa maxkamad.

[/su_box]