MW Eritereeya oo ku qanciyay MW Farmaajo in uu dalka laga ceyriyo Hay’addo iyo Shaqsiyaad

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha dalka Eritereeya Isaias Afwerki ayaa dagaalkiisa ka aargoosiga waxa uu ka bilaawday dalka Soomaaliya isaga oo horay ugu guulaystay in madax badan oo ka soo jeeda qowmiyada Tigreeyda uu ka aargoostay isaga oo isticmalaya Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Axmad.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in Madaxweynaha dalka Eritereeya oo asbuucii hore booqday magaalada Muqadishu uu ka codsay MW Farmaajo in uu dalka Soomaaliya ka ceyriyo hayadda Cilmibaarista ee Sahan iyo Madaxa Hay’adaas.  Matt Bryden oo ah madaxa  hay’adaas ayaa waxa dowlada Eritereeya ku eedeysay in uu hormuud ka ahaa howlihii lagu curyaamiyay dalka Eritereeya 20kii sano ee la soo dhaaafay.

Qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in dalka laga cayriyay hay’adda  Sahan iyo shaqaalaheeda, iyada oo lagu armay dhamaan qaybaha kala duwan ee dowalada in ayan la shaqeynin iyagana ay dalka kaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan leh. Talabadaan ayaa ah mid ka jawaabeysa codsiga MW Isaias Afwerki  uu u jeediyay MW Farmaajo.

Mid ka mida shaqalaha Wasaaradaa Arimaha Dibbadda ee dalka Itoobiya oo ka gaabsaday in  magaciisa la soo xigto ayaa sheegay in talaabada ay qaaday dowlada Soomaaliya ay tahay mid qayb ka ah aargoosiga MW Isaias Afwerki uu ka aargoosanayo shaqasiyaad iyo qabaa’lo Soomaaliyeed uu aaminsan yahay in ay horay ula shaqeeyeen Dowladii hore ee Itoobiya.

Dhanka kale waxaa iyada soo kordhaya cabsi la xiriirta ciidanka  Eritereeya ee dhawaan lagu wado in la keeno dalka Soomaaliya kuwaas oo loo isticmaali doono in lagu caburiyo shacabka Soomaaliya isla markaana Farmaajo dalka loogu qabto. Gaar ahaan ciidankan ayaa loo icticmaali doono shacabka ku dhaqan Muqdishu iyo qaar ka mida Gobolada dalka. Warar hoose oo ay heshay MOL ayaa sheegay in ay Farmaajo loo gudbiyay liis ay ku qoran yihiin shaqsiyaad Soomaali oo ay ku jiraan qaar ka mida madaxdii hore ee dowlada Xassan Shiikh kuwaas oo dowlada Eritereeya  ku eedaysay in ay qayb ka ahaayeen qorsha  lagu buruburinaayay dalka Eritereeya.  Farmaajo ayaa laga  sugayaa in u talaabo ka qaado shaqsiyaadkaas iyo guud haan qabaa’ilada Soomaaliyeed qaar ka mida.

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!