MW Eritereeya oo ergo ka ah Farmaajo oo ku sugan Imaraadka iyo Farmaajo oo lagu wado in uu halkaa u safro

Reading Time: 2 minutes

Dhowrkii maalin ee u danbeeysay waxaa ku sugnaa magalaada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Madaxweynaha dalka Eritereeya Isaias Afwerki. Safarkaa oo la xiriira sii adkeynta xiriirka labada dal ayaa hadana waxaa si gaar ah looga hadlayaa isku soo dhawaynta MW Farmaajo iyo dowlada Imaaradka. Safarka ayaa yimid dhowr cesho ka dib markii MW Afwerki u safar ku tagay Magaalada Muqadishu.

Inta uu safarka ku joogay Soomaaliya ayaa MW Isaias Afwerki waxa uu u kala dabqaaday labada dhinac ee Farmaajo iyo Shiikh Maxamed Zayid. MW Isaias Afwerki ayaa ku qanciyay MW Farmaajo  in uu ku soo biiro Isbahaysiga garabka la ah Imaaraadka iyo Sacuudiga. Intii uu Afwerki ku sugnaa Muqadishu ayaa waxa qadaka teelfanka ku wada hadalay Abiy Axmad iyo Farmaajo kaas oo la iskula gartay in dib si buuxda loogu soo nooleeyo Xiriirka Labada dhinac.

Dowlada Imaaraadka ayaa sharuudo badan ku xirtay in ay dib xiriir ula furaan Farmaajo. Hadaba Madaxweyneha Eriyeteeya ayaa asbuucaan waxaa uu kulamo xasaasi ah la qaatay mas’uuliyiinta dalka Imaaraadka. Warar ay MOL  ka heshay ilo lagu kasloon yahay ayaa sheegayo in Farmaajo safar ku tagi doono dalka Imaaradka asbuucyada soo socda si loo soo afjaro carqaladaha ka dhex jira labada dhinac.

Dad badan ayaa qaba sababta keentay in MW Farmaajo lagu qasbi in uu imaaraadka uu la xirto ay tahay 1) In Imaaraku bixiyo lacagaha ku baxaya ciidanka dhawaan la keeni doono Soomaaliya oo ka imanaya dalalka Itoobiya iyo Eritereeya 2) iyo in la sii adkeeyo go’doominta iyo cunaqabayenta lagu hayo dalka Jabuuti si loogu qasbo in ay ka baxdo heshiisyadda ay la gashay dalalka Shiinaha iyo Turkiga.

Qorshaha Safarka Farmaajo ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo taageerayaasha dowlada ku eedaynayaan dowlada Imaaradka in ay ka danbeeyso mooshinka laga keenay MW Farmaajo.  Su’aasha iswaydiinta leh ayaa ah; waa maaxay talaabada uu arintaan ka qaadi doono baarlamaanka Soomaaliya?

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!