Madaxweynaha maamulka SSC-Khatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta ku sugan demada Guumeys ayaa ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweynaayey Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cislmi Cismaan.
Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali oo la doortey 05 Agoosto 2023 ayaa isaga oo aan xafiiska joogin muddo bil ilaahey ku sharfey in ciidamadii Somaliland oo dhan laga saaro degaanada SSC-Khaatumo.
Madaxweyne Cabdulqaadir ayaa ku baaqay inay dadka reer SSC -Khaatumo doonaaya nabad iyo amingo. “iyada oo Muuse Biixi dagaal ku baaayo, ayaan halkan nabad uga baaqayaa oo aan dhulkayagii joognaa oo aanan u soo socon kiina” ayuu yiri Cabdulqaadir Aw-Cali.
MW Cabdulaadir ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biii Cabdi in uu miiska wadahadalka soo fariisto, si looga wada hadlo deriswanaag iyo adkeynta nabadda.
baaqa nabadda iyo wada hadalka ayaa ah midka beesha caalamku aad ugu celcelineysey oo laga waayey maamulka Muuse Biixi, waxay horey u diiden wada hadal, waxay horey u diideen in ay ciidankooda si nabad ah ula baxaan, waxaa la aaminsan yahay in maanta cid nabad uga baahi badan aysan jirin, laakiin hoggaamiyhaa SSC gacantiisa ayuu fidiyey mar kale isaga oo dagaalami kara ayuuna ku baaqey nabad, waxaana kubaddu agtaalaa Muuse Biixi.