Iyadoo muddo ay ka dhiman tahay doorashada Puntland, waa haddii uu qabto Deniye ayaa Waxaa soo yaraanaya Farqiga u dhaxeeya MW Farmajo iyo mw Siciid Deni dhinaca xukun jaceylka, waayo waxay wadaagaan labadoodaba inay rabaan inay siyaasadda ka dhigtaan shaar ay iyagu isku cabireen oo aan dadka kale u galayn.
MW Farmajo waxaa uu in muddo ah diidanaa inuu doorasho qabto oo waxaa ku adkeyd inuu xilka wareejiyo, taas oo noqotay caado lagu yaqaanoo dadka xukunka jecel, kuwaas oo ku dadaala inaysan iman fursad uu xilkaas uga wareego.
Hogaamiyayaasha noocaas ah waxay sameeyaan dadaal kasta oo uu xataa xoog ku jiro inay xukunka ku sii joogaan, waxayna abuuraan cillado badan oo ay wax ku adkaan karaan.
Siciid Cabdullaahi Deni ayaan waxaa dib u raacnay waxa uga qoran soyaalka taariikhda intii uu soo qabtay xafiisyo heerarkooda kala duwanaa, haba kala sarreeyaane.
Siciid waxaa uu madax ka noqday shirakadda Towfiiq, hasa yeeshee wararka laga helayo dadkii la shaqeynayey waxay sheegayaan inuusan xilka wareejinin oo weli sidii uu kor ugu hayo walow ay hawalaha shirakadda socdaan oo laga tashaday.
Dhinaca kale waxaa jira inuu ahaa wasiirka Qorsheynta qaranka ka ee dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ee ka hore, hasa yeeshee waxaa la sheegayaa inuusan xilka wareejinin kadibna uu iskaga tagay.
Dhacdooyinkaas waxay hadda abuureen lar soo kacay oo waxay dadka reer Puntland cabsi weyn ka qabaan inuusan xilka sida saxda ah ku wareejin doonin, haddii doorashada looga adkaado. Waxaa muuqda astaamo badan oo muujinaya inay ku adag tahay inay dhacdo doorasho xaq ah oo keeni karta inuu xilkaas ku guuleysto ruuxa ay reer Puntland rabaan una arkaan inuu xelligaan adag ka gudbin kara.
Cabirka Puntland ma aha inay isku cabrito maamul goboleedyada curdanka ah ee waa inay isku cabirtaa da’deeda iyo inta ay soo jirtay, madaxdeedana ku qiimeysaa Meesha ay ka qaadeen markii talada loo dhiibay iyo halka ay geeyeen.
MW Deni waxaa maanta horyaalla inuu taariikh wanaagsan ka tago oo uu qabto doorasho xor iyo xalaal ah si Puntland tusaale ugu noqoto dowlad goboleedyada kale iyo sida dowladda Federaalka ay ula shaqeyso una noqoto garab iyo gaashaan wax la dhisa halkii ay ka mucaaradi lahayd sida joogtada ah.
Isku soo duub Deni Ma wareejin doonaa xilka haddii laga guuleysto misa sida MW Trump ayuu la maqnaan doonaa oo oran doonaa la igama guuleysan ee waa la iboobay oo shacbiga Puntland ayaa iga boobay doorashadii aan aigu ku guuleystay?