MW Deni oo wacad ku maray inuu soo afjarayo “ilmo reer diyaano” iyo xulufadooda

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeer ku tegay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xafiisyada kala duwan ee Hoggaamada Ciidanka Booliska sida Xafiiska CID-da, xafiisyada shaqo ee Fara-baarista, Kuwa Isgaarsiinta iyo dhismaha cusub ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska Puntland, Waxaana uu ka dhegaystay warbixinta Amniga, shaqada socota iyo qorsheyaasha horumarin ee yaalla. Wuxuu Madaxweynuhu faray in la dardargeliyo adeega amni ee Bulshada loo hayo.

Saciid Deni oo ay ka muuqato caro iyo wal-wal ayaa u sheegay saraakiishii uu la kulmay in uu dalka looga harayo isaga ama waxa uu ku tilmaamay “Ilmo Diyaano”. Waxa uu yiri “waxaan wacad ku marayaa in aan afjarno “ilmo reer diyaano” iyo xulufadooda”. Hadalka xanafta leh ee uu  MW Deni ka horsheegay saraakiisha ciidanka ayaa noqonaysa mid u muuqda in uu go’aansaday in uu weeraro ciidanka PSF ee ku sugan magalaada Boosaaso.