MW Deni oo u hambalyeeyay Xildh. Cusub ee Jubbaland

MW Deni ayaa guud ahaan shacabka Jubbaland, gaar ahaan xildhibaanada Cusub   ugu hambalyeeyay xulista iyo soo bandhigida Xildhibaanada Cusub oo maanta lagu dhaariyay magaalada Kismanyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay hannaanka ay ku socoto doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Jubaland waxaana ay Puntland raja wanaagsan ka muujisay in doorashada Jubaland ay u dhacdo sida loo qorsheeyay fara-gelin la’aan.

Waxaa kale oo dowladda Puntland ay guddiga doorashooyinka Jubaland ku dhiirri-gelisay in ay doorashada u qabtaan si daah-furnaan ah waxaana ay shacabka iyo dowladda Jubaland ku amaantay sida isku duubnida leh ee ay uga gudbayaan marxaladda doorashada iyadoo guul u rajaysay.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Puntland

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here