MW Deni oo tababar usoo xiray dufacadii labaad ee ciidamada Booliska Puntland

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa shalay tababar ugu soo xiray dufacadii labaad ee ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebisay dugsiga Tababarka ee Xorgoble. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn salaan sharaf ka qaatay ciidamada tababarku u dhammaaday, kadibna wuxuu meel fagaare ah ku daawaday dhuulatus ay ciidanku soo bandhigeen oo ka turjumaya tababarkii iyo aqoontii la siiyey. Madaxweynaya ayaa bogaadiyey Ciidamada tababarka dhameystay wuxuuna kula dardaarmay in casharada iyo aqoonta lasiiyey ay ka faa’ideystaan.

Munaasabadda tababarka loogu soo xiray dufcadii labaad ee Ciidamada Booliska Puntland ee ka qalinjebiyey Dugsiga tababarka ee Xergoble, waxaa ka qeybgalay Guddiga dib-u-habeynta Ciidamada, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland, Masuuliyiin hore usoo qabtay xilka Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya, xubno ka mid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho iyo marti sharaf kale.