Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya xiisadda colaadeed ee ka taagan magalaada Garowe ee xarunta Puntland, taas oo salka ku heysa arrinta diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha oo muran xoogan ka dhalisay maamulkaasi.
Xiisadda ayaa yeelatay waji cusub, waxayna isku bedashay gacan ka hadal, ka dib markii ciidan taabacsan qabiil ay bilaabeen dagaalka. Dagaalka maanta ayaa waxa hogaanka u hayo siyaasiyiinta kala ah Maxamed Faroole, Wasiir Abgaaloow iyo Gancsade Shide kuwaas oo rumeysan in ay tahay xiligii beesha Ciise Maxamuud xukunka Puntland la wareegi lahayd.
Siyaasiyiintaas ayaa ay u arka doorashada MW Deni ka wado Puntaldn mid keeni karta in beeshu weyso kursiga madaxweynanimada Puntland.
Wararka ay MOL heshay ayaa sheegaya in dagaalka ilaa hada la soo qaaday uu ahaa mid ka ka socday dhanka siyaasiyiinta beesha Ciise Maxamuud. Saciid Deni ayaa ku amray ciidanka ka amar qaata dowladiisa inay marnaba u jawaabin cidanka weerarka soo qaaday.
Ma cade ujeedada Saciid Deni uu ka lahaa istaraatijiyadaas, balse waxaa cad in uu rabay in qiimeyoo awoodooda isla markaana uu tuso shacabka reer Puntland in ay dogaalka bilaabeen koox dano gaar ah leh.
Waraka ugu danbeeyay oo ay heshay MOL ayaa sheegaya in ciidamada u daacada Puntland aya dagaal toos ku qaadi doonaa kooxda beesha Ciise Maxamuud, taas oo keeni doonta inuu soo xiro kooxaka ka danbeeyay dagaalka ama ay ku dhintaan dagaalka.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse waxaa lagu soo warramayaa in weli xaalad kacsanaan ah laga dreemayo halkaasi. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xaaladda magaalada Garoowe.