Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa ka horymid maamulka cusub ee Jubaland u magacowday Gobolka Gedo waxaana uu dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay fara-gelinta ka dayso Gobolkaas.
“Waa nasiib-darro in dowladda federaalku ku cadaadiso Gobolka Gedo wixii ay kaga cabanaysay xukuumaddii hore, Gedo waxa ay u baahan tahay dib u heshiiseen ee uma baahna diyaaradaha iyo cunaqabatayn oo ah wixii Xasan Shiikh uu ka cabanayey” ayuu yiri Siciid Deni.
“Dowladda Puntland waxay walwal ka muujineysa xaalad amni iyo xasillooni daro iyo siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Gobolka Gedo, waxaan madaxda dowladda Federaalka ugu baaqaynaa in aysan ku kicin, ficil la mid ah midkii ayaga laftooda dhibanaha u ahaayeen, ee diyaaraddii ay la socdeen hawada laga celiyay loo diiday inay gudaha dalka ku safraan ficiladii madaxda federaalka ee horay madaxdii ka horeysay ugu cambaareyn jireen ee xayiraada duulimaadyada rakaabka ee gudaha dalka isaga kala goosho jiray, waa nasiib darro in maanta dowladda Federaalka ku caburineyso dadka Gobolka Gedo wixii ay horay u diideen” ayuu raaciyay
Dhanka kale Saciid Deni ayaa ka hadlay colaada Laascaanood wuxuuna u digay Muuse Biixi: “Muuse Biixi hadduu uu dhegaha ka furaysto baaqyada dunida oo uu isaga bixi waayo Sool, Puntland si aan qarsoodi ahayn ayey u difacaaysaa dadkeeda.”Madaxweyne Deni