MW Deni oo  sheegay in ay jiraan qorshooyin lagu fara galinaayo DG Puntland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay sheegay in ay jiraan qorshooyin la doonayo in lagu faragaliyo Dowlad Goboleedka Jubbaland. MW Deni oo ka hadlaayey munaasabad lagu daah-furay duullimaadyada cusub ee  Ethiopian Airline ay ka bilowday Dowlad Goboleedka Jubbalnd ayaa digniin adag u diray dad uu sheegay in ay kicinayaan dhalinyarada Puntland si ay isaga horkeenaan shacabka iyo maamulkiisa.

MW Deni oo tixraacayo qalalaasaha siyaasadeed ee uu Xasan Kehyre ka qaysatay degaanka Gaalkacyo ayaa tilmaamay in ay jiraan dad doonaya in ay wiiqaan jiritaanka Puntland, iyagoo u soo maraya kicinta dhalinyarada, isagoo ka digay in dhalinyarada loo adeegsado burburinta Puntland.

Hadalalka Madaxweyne Deni ayaa ah markii u horeeysay ee uu sheegay in fara galin lagu hayo maamulkiisa, waxuuna hadalkiisu kusoo aadayaa xili ay dhowaan Puntland ku eedeysay Ra’iisul Wasaare Kheyre oo booqanayey Waqooyiga magaalada Gaalkacyo in uu baal maray bah maamuuskii ay Puntland u diyaarisay, waxaana xiligaas eedeynta Puntland laga dheehan karay in ay ka xumaatay dhalinyaro badan oo Kheyre uu qudbad ugu jeediyey Waqooyiga Gaalkacyo.