MW Deni oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka Qorsheynta Puntland, C/qafar

Reading Time: < 1 minute

Ku Simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan  oo meelmarinaya amar ka soo baxay Madaxweyne Saciid Deni ayaa Shalay shaqada ka joojiyay Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Wasiir Cabdiqafaar Xaange ayaan shalay soo xaadirin  Shirkii Golaha Wasiirada Puntland oo uu shir-guddoomiyay Ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan ( Axmed Karaash). Dad kala duwan oo lagu kalsoonyahay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweyne ku xigeenku si rasmiya shaqada uga joojiyay wasiir Xaange kadib markii khilaaf soo kala dhex galay labada mas’uul. MW Deni iyo Karaash ayaa si wadajira go’aankaas u qaatay,

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!