MW Deni oo shaqada ka ceyriyay Madaxa Hay’adda Waddooyinka Puntland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.28 September 29, 2021 kuna saabsan xil kaqaadis Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Gudoomiyahan ayaa horay ugu eedeeyay Saciid Deni in Wasaaradiisa Maaliyada ay si sharci daro ah ula wareegtay lacag ay lahayd   Hay’adda Wadooyinka Puntland.

Qoraalka ka soo baxay Xafiiska MW Deni ayaa sidaan u qornaa:

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Markuu garawsaday: Shaqooyinka baaxadda leh ee horyaala Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Cabdulqaadir Cali Xirsi laga qaaday xilka Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland.
  2. Waxaa si ku meel gaar shaqada Hay’adda u sii wadaya Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Waddooyinka.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!