MW Deni oo qaadacay shirka Baydhabo una safray dalalka Itoobiya & Imaaraatiga Carbeed.

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo horay u sheegay inuu qaadacay shirka Baydhabo oo la filayo inuu dhawaan uga furmo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo  dowlada Federaalka, ayaa maanta u safray dalalka Itoobiya iyo Imaaraatiga Carbeed.

Madaxweyne Siciid Deni oo ka dhoofay garoonka diyaaradaha Boosaaso ayaa ku sii jeeda magaalada Addis Ababa halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya.

Labada dhinac ee Puntland iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa in ay ka wada-hadlaan iskaashiga dhanka Amniga xuduudaha iyo la-dagaallanka Argagixisada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u sii gudbaya magaalada Dubai ee waddanka UAE  waxaana la filayaa in uu wada-hadallo ku saabsan dhanka mashaariicda horumarineed la yeesho mas’uuliyiinta dalkaas.