MW Deni oo qaabilay wafdi balaaran oo ay hogaamineyso safiirka Jarmalka

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi balaaran oo ay hogaaminaysay safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

Kulanka ayaa waxaa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirada; Qorshaynta, Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo Agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo ugu horrayn soo dhaweeyay wefdiga ayaa yiri “waxaan aad ugu faraxsanahay Safiirada oo markii ugu horraysay meel ka baxsan Muqdisho safar ay ku timaado noqotay Garoowe, waxay muujinaysaa in xiriir ka Soomaaliya iyo Jarmalka, gaar ahaan Puntland uu sii xoogaysanayo”.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay mashaaariicda horumarineed ee jarmalku hore uga qabteen Soomaaliya waxaana uu sheegay in ay mashaariic cusub u qorshaysan yihiin ay ka fuliyaan Soomaaliya gaar ahaanna Puntland.

Waxaan uga mahadcelinaynaa waxyaabihii hore ee ay soo qabteen dalka Jarmalka oo Soomaaliya taariikh weyn ku leh, mudooyinkii ay Soomaaliya xuriyadda qaadatay ilaa hada dhinacyo badan ay iska soo garab istaageen hadana ay rabaan in ay waxbadan qabtaan” ayuu yiri Deni.

Ambassador Annett Günther ayaa dhankeeda sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay imaatinkeeda Puntland waxayna xustay in mashaariicaha horumarineed ee dowladda Germany ay ka fuliso Puntland ay sii socon donaan iyada xustay in wefdiga ay hogaaminayso ay qayb ka yihiin madaxda Hay’adda GIZ ee gacanta ku haysa wadada Garoowe iyo Gaalkacyo oo la filayo in waxkhti kooban gudihii uu dib u bilaaban doono dhismaha wadadaas.