MW Deni oo Maanta ka Baqay inuu Tago Boosaaso iyadoo uu Qarax Ka Dhacay Xalay.

Reading Time: 2 minutes

Waxaa muuqata in MW Deni ay dadka reer Puntlnd ku fahmeen qorshihiisii ahaa inuu ka sameeyo Puntland doorsho iyo diiwangelin isaga u shaqeysa inuu ku so noqdo talada Puntland ee uu baabi’iyey muddadii uu xilka hayey.

Maanta banaanbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo doorshada qof & cod ee Puntland ayaa ka dhacay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

sidoo kale wararku waxa ay sheegeen in doorashada ay tahay mid qasab ah oo aan raali laga aheyn maamaada qaar kamid ah Ururada siyaadada ay ka horyimaadeen hanaanka loo wado.

Dadku waxay fahamsan yihiin haddii ay sidaan ku socoto inay dhaceyso inuu Deni siduu rabo ka yeelo, taasina ay keeni karto inay Puntland khater ku gasho.

Banaanbaxyadan ayaa ku beegmaya xilli maanta la daah-furey is-diiwaangelinta cod-boixiyayaasha ee gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

Hasa yeeshee, Deni oo ahayd inuu daah furo ayaa ka cabsaday inuu Boosaaso tago. Madaxwewynaha ayaa lagu waday inuu isaga daah-furo is-diiwaangelinta doorashada ee ee gobolada Bari, Karkaar iyo Gardafuu, laakiin xog la siiyey darteed ayuu ka baaqday inuu soo gaaro Boosaaso.

Wararku waxay sheegayaan inuu naftiisa u baqay oo ay dhici karto inay dadku ku bannnaan baxaan sida haddaba dhacday Boosaaso kadibna uu halkaas ka yimaado gacan ka hadal.

Waxaa runtii muuqata inuu Siciid rabo inuu Puntland iyo Somaliya oo dhan uu rahaamad u haysto waayo waxaa uu diidan yahay  diinwaangelinta guud oo dalka oo dhan ah, wuxuuna rabaa  mid macmal ah oo uu kursiga kula soo noqdo, taas oo ay ururada Siyaasadeed ku garteen kuna diideen inay ka qeyb galaan diiwaangelintaas .

Isla Xalay waxaa magaalada ka dhacay qaraxyo Bam Gacmeed lagu turay Hoteel ay degan yihiin Guddiga KMG ah ee Doorashada. Sidoo kale waxaa dadka Dhibaato xoog leh ku haya ciidamo fara badan oo uu Deni halkaas geeyey.

Isku soo xoori, reer Puntland waa ka korsan yihiin inay waqtigaan ogolaadaan wax dhibaato dhow iyo mid fogba u keeni kara Puntland, diiwaangelintaan khasabka ahna waa ka mid waxa dhibaatada ka dhalan karto oo degmo ay degan yihiin 1000 in lagu sheegi karo 5000 oo qof oo dhamaantood KAAH u codeeyey, maadaama aan lahayn diiwaangelintii saxda ah ee dalka oo dhan oo lagu cabiri lahaa.