Siyaasadda Dowlad Gooleedka Puntland ayaa waji cusub yeelatay ka dib doorashadii bishii hore ka dhacday sadax degmo oo ka tirsan Puntland. Waxaana awood Puntland ay noqotay mid aan ku koobnaan doonin Madaxtooyada Puntland ee uu ka taliyo Cabdullahi Saciid Deni.
Hadaba agaasimaha guud ee hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa ka horyimid xilka qaadis uu maanta ku sameeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa Agaasimaha cusub ee PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayr. Qoraal ka soo baxay PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban.
“Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”
PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland islamarkaana ay difaaci doonaan.
“Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina”.
Sida MOL loo xaqiijiyay Madaxweyne Sacid Deni ayaa ka codsaday dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka Carabka in ay soo kala dhexgalaan isaga iyo qoyska reer Diyaano oo iyagu gacanta ku haya ciidanka PSF. Wali macada in codsiga Deni ay ka soo jawaabeen wadamadaas.