MW Deni oo lagu soo dhaweeyay degmada Carmo

Reading Time: < 1 minute
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyay Degmada Carmo ee Gobolka Bari.
Madaxweynaha ayaa fagaare Kula hadlay Bulshada Degmada Carmo, wuxuuna uga mahadceliyay sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen isaga iyo wafdigiisa, Madaxweynaha ayaa Bulshada ku baraarujiyey ka qeybgalka Doorashada iyo sidii ay codkooda ugu soo dooran lahaayeen Golahooda deegaanka.
Safarka ololaha doorashada Madaxweyne Deni ayaa socoto iyada oo mucaaaradka dowladiisana ay ku shirayaan magalaada Garowe kuwaas oo ka soo horjeeda qabashada doorasho qof iyo cod.