MW Deni oo lagu edeeyay inuu dardar galiyay bixinta ruqsadaha kaluumeysiga

A fisherman carry a shark to shore at the Bossaso harbour in Puntland, Somalia, Thursday, 29 Jan, 2015 Somali American actor, Barkhad Abdi left Somalia when he was seven years old and returned for the first time for a visit to the country as an Adeso Goodwill Ambassador.In the 23 years since Somalia defended into civil war, the country's waters have been exploited by illegal fisheries, and the economic infrastructure that once provided jobs ravaged.Too often, there was simply no way for young men with limited educations to provide for themselves or their families , and many turned to piracy. Although piracy has decreased in recent years, unless young men in Somalia are provided with appealing livelihood opportunities , there is a chance that they could revert back to piracy. ADESO/ KAREL PRINSLOO.
Reading Time: < 1 minute

Qaar kamida mucaaradka Madaxweyne Saciid Deni ayaa ku eedeeyay in Deni dardar galiyay bixinta ruqsadaha kaluumeysiga ee badaha Puntland.

Ruqsadahaan ay maraakiib shisheeye kaga kalumeysan karaan Badaha Puntland ayaa la sheegayaa inuu siisyay siyaasiyiin garab la aha isaga  u iyo xubno ka tirsan qoyskiisa. . Ruqsadaha kaluumeysi oo sharci darada ah ayaa la siiyey shirkado laga leeyahay dalal shisheeye. Tirada Markiibta isticmaaleysa ruqsadahaan ayaa lagu sheegey 65 “Markab” kuwaasoo 35 kamid ah hadda ku jiraan xeebaha Puntland.

Dalalkaan ayaa mudadii dalka Soomaaliya ku jirey burburka dowladeed caadeystey iney bililiqeystaan khayraadka badeedada. Sida xogtaan sheegeyso waxaa talaabadaan walaac ka muujisay dowlada Fedraalka gaar ahaan Wasaaradeeda Kaluumeysiga, waxayna cabasho u gudbisay safaaradaha dalalkas ee ku yaal magaalada Muqdisho.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in iyadoo lagu jiro xiligii kaluunka Tunada “Tuna Harvest “ kaasoo mara xiligaan xeebaha Soomaaliya in halkii Markab uu muddo 45 cisho ah kala bixi karo xeebaheena kaluun qiimahiisa lagu qiyaasey Hal million dollar halka sida warbixintaan sheegeyso Madaxweyne Dani iyo kooxdiisu heshiis lacageed kula galeen in Markabkiiba ka qaataan 200,000 dollar midkiiba.

Dhinaca kale Wasaarada Kaluumeysiga Puntland ayaan war ka hayn heshiiskaan iyadoo sharci ahaan aheyd in golaha xukuumada laga ansaxiyo hehsiiskaan islamarkaana Barlamanka Puntland la horgeeyo.

Dowlada Mareykanka ayaa dhinca kale walaac ka muujisay talaabada markiibta sharci darada ah Madaxweynaha Puntland ku soo galiyey xeebaha Puntland. Dhowaan ayay aheyd markii koox ka tirsan hay’daha amniga Mareykanka Madaxweyne Dani kula kulmeen garoonka diyaardaha Boosaaso kuwaas oo wax ka waydiiyey arimo la xiriira ruqsadaha sharci darada ah ee uu baxshey.

Waxaan idiin soo gudbin doona magacyada shaqsiyaadka Madaxweynaha Puntland siiyey ruqsadahaan kaluumeysiga ee sharci darada ah.