MW Deni oo la kulmay Wafdi ka socda dalka Norway

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Noorwey ee Soomaaliya Ms Elin Bergithe Rognlie iyo wafdi la socda oo Puntland soo gaadhay.

Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo weftiga Safiiradda ayaa qaatay kulan balaadhan oo looga hadlayo sidii loo sii horumarin lahaa mashaariicda Dowladda Noorwey ay ka fuliso gudaha Puntland, kulanka Kadib Madaxweynaha iyo Safiiradda ayaa si wada-jira u faahfaahiyey dulucda kulankooda.

kulanka Madaxweynaha iyo Safiiradda waxaa ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad, Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Bilayaha Axmed Maxamed Yuusuf ( Taaraan ), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Yaasiin Mire Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.