MW Deni oo la filayo in uu maanta dib ugu laabto magalaada Garowe

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta dib ugu soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe, kaddib todobaadyo uu ku maqnaa dalka dibeddiisa.

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa intii uu ku jiray safarkiisa dibedda, waxaa uu tagay dalalka Kenya, Zambia, Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya oo u saaka kasoo amba-baxayo.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan kula qaatay dalka Zambia Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas, gaar ahaan Reer Puntland, isagoo ka codsaday in ka taageero qorshihiisa doorashooyinka dadweyne.

Xogaha ay heshay Puntlandtimes, ayaa sidoo kale muujinayo in Siciid Deni uu u tagay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya inuu taageero dhaqaale iyo hub ka helo, balse lama oga inay u suurowday.

Soo laabashada Siciid Deni ee deegaannada Puntland ayaa kusoo aadaysa xilli intii uu dalka ka maqnaa, ay xiisado kala duwan ka dhaceen deegaanka, sidoo kicin ka jiro caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso oo la filayo inuu maalmahan u sii gudbi.