MW Deni oo kulamo kala duwan la qaatay safiirada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute
Deni iyo Chabbra oo kulmay

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya,  ayaa waxa uu klumao kala duwan la qaatay saffiirada wadamada caalamka u fadhiya Soomaaliya

Kulankii ugu danbeeyay waxa uu shalay la qaatay safiirka dalka Hindiya  ee Soomaaliya, Rahul Chabbra.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka labada dhinac looga hadlay: arrimaha ganacsiga & maalgeshiga, waxbarashada, Caafimaadka iyo tababaridda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland.

Ambassador Chabbra, ayaa xukuumadda Puntland ku ammaanay, kaalinta ay ka qaadatay amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo la’dagaallanka burcad-badeedda, waxaana uu ballan-qaaday in dowladdiisu xiriir wanaagsan la yeelan doonto Puntland, sida ku cad war-saxaafadeedka.

Madaxweyne Deni, ayaa isna dhankiisa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay, in ay wada-shaqeyn la yeelato dowladda Hindiya, si kor loogu qaado xiriirka Puntland iyo waddanka Hindiya.

MW Deni ayaa horay ula kulmay safiiradda Mareykanka, Jarmalka, Midowga Yurub, Masar, Talyaaniga, Ingiriiska iyo Sacuudi Careebiya.