MW Deni oo ku qanciyay FAO in Qardho laga dhigo xarunta la dagaalanka Ayaxa

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guulaystay in uu ku qanciyo madaxda Hay’ada FAO in magaalada Qardho laga dhiso xarunta la dagaalanka Ayaxa.

Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Wakiilka Hay’adda FAO ee Soomaaliya Etienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda hay’adda FAO ka wado Puntland iyo sidii loo sii laba jibaari lahaa gaar ahaan mashaariicda la xiriira Beeraha iyo Xoolaha.

Kulanka ayaa Madaxweynaha waxaa kala qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!