MW Deni oo ku qaabilay Madaxtooyada wafdi uu hogaaminayay madaxa hay’adda UNFPA

Reading Time: 2 minutes

Shares

Iyada oo madaxda beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya ay bilihii u danbeeyay safari kala duwan ku bixinaayeen Dowlad Goboleedka Puntland   ayaa  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabiley madaxa Hay’adda UNFPA Soomaaliya Mr. Anders Thomsen.

Kulanka waxaa Madaxweynaha Ku Wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Aamina Cismaan Xaaji Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Jaamac Faraax Muuse iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Diinta Cawil Sheekh Xaamud ayaa ka warbixiyey kulanka

“Maanta waxaa Madaxweynaha la kulmay madaxa UNFPA Soomaaliya Mr. Anders Thomsen oo ay wehelinaysey madax UNFPA Puntland Marayam Qaasim, waxyaabo badan ayaa laga wadahadlay waxaa ugu muhiimsanaa arrimaha caafimaadka iyo sidii kor loogu qaadi lahaa, arrimaha FGM ka kulanka intiisa badan waxaa uu ku saabsanaa isbarasho guud iyo is xog waraysi”.