MW Deni oo ku goodiyay in-wax-aan Doorasho qof-iyo-cod ahayn-ka-dhacaynin-Puntland

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan uu qaatay qaar kamid ah Xisbiyada siyaasada Puntland ku goodiyay inay ka go’an tahay inuu fuliyo qorshahiisa siyaasadeed ee ku wajahan doorashada qof-iyo-cod.

Madaxweyne Deni oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada Puntland.

Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhacayn doorasho aan qof iyo cod ahayn islamarkaana shacabku isu diyaariyaan in ay codkooda ku doortan Madaxdooda.

“Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabku Madaxdooda ku doortaan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Wuxu sidoo kale  sheegay in dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.