MW Deni oo ku baaqay dardargalinta dhismaha Dowlad Goboleedka Banadir

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid cabdullaahi Deni ayaa khudbadiisaii xalay ee uu ugu mahad-celinayay madaxdii iyo bulshadii kasoo qeyb-galay xuska 1-da Agoosto ku baaqay in laga shaqeeyo lana dadajiyo dhismaha maqaamka Muqadishu.

MW Deni oo ka hadlay faa’idooyinka laga dhexlay nidaamka Federaalka, kaalinta dowlada  Puntland ka qaadatay hirgelinta Federaalism-ka dalka ayaa sheegay in ay lama huraan tahay in Muqadisho hesho hogaan madaxbaan maqaamkeedana si deg deg ah loo cadeeyo.

Sidoo kale, Deni ayaa madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed ka codsaday in maalinta 1-da Agoosto loo aqoonsado “Maalinta Federaalism-ka Soomaaliya” isagoo sharraxay muhiimadda ay u leedahay Nidaamka Federaalka.