Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka socdaalay caasimadda Puntland ee Garoowe, isagoo kusii jeeda magaalo-ganacsiyeedka Boosaaso, halkaas oo uu ku sugnaan doono maalmo.
Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helay Garoowe, Madaxweyne Deni oo ay galbinayaan kolonyo gaadiidka dagaalka ah ayaa safarkiisa dhulka ah kusii mari doono qaar kamid ah deegaanada iyo magaalooyinka dhaca wadada xiriirisa Boosaaso iyo Garoowe, kuwaas oo uu ku hakan doono.
Ujeedada safarka Deni ee Boosaaso ayaa la xiriira olalaha doorashada golayaasha deegaanka Puntland, waxaana uu doonayaa in Ururka xukuumadda uu hoggaamiyo ee KAAH uu guul weyn ka gaaro degmooyinka doorashadu ka dhacayso 25 bishan May, oo maalmo kooban inaga xigaan.
Madaxweynaha ayaa 21 bishan kaga qeybgeli doona Boosaaso fagaare ay isugu soo bixin doonaan taageerayaasha ururka siyaasadeedka KAAH, halkaas oo uu ka jeedin doono khudbad dhinacyo badan uu kaga hadli doono.
Safarka Madaxweyne Siciid Deni ee Boosaaso ayaa imaanaya xilli magaalada Garoowe ay ka taagan tahay xiisad la xiriirta doorashooyinka Golayaasha deegaanka, siyaasiyiin kasoo jeeda goofka Garoowe ayaana habeen kahor weeraray gaadiid galbinayay sanaadiikhda doorashada oo ka amba-baxay caasimadda kuna sii jeeday deegaannada goballada Karkaar, Bari, Sanaag, Haylaan iyo Gardafuu ee doorashadu heer degmo ka dhacayso.