MW Deni oo ka qeyb-galaya sanadguurada Afaraad ee Laftagareen

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku wajahan maalmaha soo socda magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee Dawlad Koonfur Galbeed.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Siciid Deni ee Baydhabo ayaa la xariirta ka qeybgalka munaasabadda xuska 4 sano guuradii kasoo wareegtay doorashadii Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland uu tagayo xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed maalinta isniinta ah. Socdaalka Siciid Cabdullaahi Deni ee Baydhabo ayaa imaanaya xilli siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ay dalbanayaan in la qabto doorasho, maadama muddo xileedka Laftagareen uu ku egyahay 19ka bishan December oo ah isniinta.

Laftagareen iyo Siciid Deni ayaa maalmo kahor kulamo ku yeeshay caasimadda Puntland ee Garoowe, iyagoo ku heshiiyay sameynta gaashaanbuur siyaasadeed.