Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo mudooyinkana danbe waday isabdal uu ku sameeyano hay’addaha kala duwan ayaa la sheegayaa in uu doonayo in uu kala diro Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada Culus ee Puntland.
Dhinacyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu dhowaan kala dirayo Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo danbiyada culus ee Puntland si loo dardar geliyo Shaqada socota. Madaxweyne Siciid Deni ayaa la filayaa in uu Guddoomiye cusub u magacaabo Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida islamarkaana isbeddel ku sameeyo Guddoomiyaasha Derejada kowaad ee Maxkamadaha Ciidamada.
Wararka qaar ayaa sheegaya sababaha uu uhu sameeynayo isbadalada hay’adsaha dowlada Puntland ay tahay in uu xaqiijiyo in aan dhib kaga imaan hogaanka hay’adaha , gaar haan dhanka amniga marka uu u tartamayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ama umarka hamigiisa ku soo dhamaado fashil.