MW Deni oo isbadal ku sameeyay aruurinta iyo bixinta daqliga soo gala dowlada

Reading Time: < 1 minute

Lixdii bilood ee u danbeeysay waxaa ka socday Puntland isbadalo lagu xaqiijinayo in aan la musuq-maasuqin daqliga soo gala dowlada Puntand. Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo shalay kulan laqaatay Agaasima- yaasha Wasaaradaha Dawladda Puntland kulan kaasi ayaa sheegay inay joojiyeen adeegyadii la siin jiray qaar ka mid ah wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda Puntland, ka dib markii ay ku guuldaraysteen inay bixiyaan cashuurihii ku waajibay.

Wasaraadda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay liiska Wasaaraddaha iyo hay’adaha Cashuuraha ka bixiyay lacagaha Mashaariicda dalka ka socda iyo kuwa aan bixin, ayuu wasiirku sheegay in ujeedka kullanku uu ahaa sidoo kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta wasaaradaha iyo kicinta iyo kor uqaadida Cashuurta ku waajibtay lacagaha dhanka Mashaariicda ee 5tii bilood ee la soo dhaafay

“shirka waxaan ku soo bandhignay liiska Wasaaraddaha aan bixin iyo kuwa bixiyay waxaanu halkaas ka sheegnay in aanu dacwayn doono Wasaaraddo aan bixin Mashaariicda dhexmaray Cashuurtoodii kuwa bixiyay waanu amaanaynaa ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland” ayuu yiri wasiirku.

Talabadaan ay qaaday wasaaradda ayaa la la filayaa in kor u qaado daqliga dowlada Puntland soo galaya Wasiir Xasan Shire wuxuu sheegay in ay dacwayn doonaan Wasaaradda aan bixin Cashuurta.

“Haa way jiraan hay’addo bixin waayay Cashuurta Mashaariicda dhex marta dacwadna waan ka gudbinay adeegiina waan ka joojinay”. Wasaaradaha  qaar ayaa laga joojiyay adeegii lacageed ee ay xukuumadu siin jirtay waxana ka mida wasaaradahaas; Wasaaradda Haweenka iyo arrimaha qoyska, waxaa kaloo adeegii laga joojiyay Hay’adaha PSWEN iyo Xafiiska Xuquuql Insaanka Puntland.