MW Deni oo casho heer sare loo soo agaasimey la yeeshay Ganacsatada Zambia

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay magaalada Lusaka kaga qeybgalay xaflad casho oo ay ku maamuuseen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa uga mahadceliyay Ganacsatada maamuuska iyo Cashada soo dhoweynta ah, Iyadoo hadaljeedinta rasmiga ah ee Madaxweynaha ay tahay Kulanka xafladda weyn ee soo dhoweynta ah oo maalmaha soo socda dhici doonta.

Waxaa Munaasabadda ka qeybgalay Safiirka Soomaaliya ee Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.