MW Deni oo bogaadiyay shacabka Puntland & qabsoomida doorashada qof/cod

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Deni oo xalay hadal kooban jeediyay ayaa bogaadiyay sida nabdoon ay u qabsoontay doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa u mahadceliyay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, ciidamada dowladda iyo dhammaan hawl-wadeennadii ka shaqeeyay qabsoomidda doorashada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale u mahadceliyay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qayb qaatay doorashada qof iyo cod, islamarkaana dadaalka geliyay in ay codka weydiistaan bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay in dareenka bulshada Puntland u qabto doorashada qof iyo cod uu taagan yahay meel aan laga soo noqon karin oo ay tahay in madaxdooda ay ku doortaan nidaamka qof iyo codka.