Waxa caaawa ka baxay magaalada Garowe Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, Islaanka guud ee Beesha Cumar Maxamuud iyo salaadiin kale. Safarkaan deg-dega ah ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne Saciid Deni uu maalin cad uu sharafkii iyo karaamadii reer Mudug ku tuntay.
Saciid Deni ayaa ku adkeystay in uu boobo kuraasta beesha Cumar Maxamud uuna u magacaabo kuraastaas shaqsiyaad uu isaga jeebka kala soo baxay. Talabaadan uu qaaday Saciid Deni ayaa waxa ay god dheer ku riday rajadii uu ka qabay in uu isku soo sharxo jagada maxadweynaha Soomaaliya.
Waxa sidoo kale uu colaad kala dhexdhigay beelo walaalo ah oo halbeeg qabiil oo la isla ogolyahay wax ku qeybsada. Waxaan shaki ku jirin in la soo celin doono kuraastaas marka la tago Muqdisho, maadaama Islaam Bashiir uusan ku saxiixnaynin warqada ergada.