MW Deni oo amaro culus soo saaray

Madaxweyne Deni oo doorashadiisii  aas-aad uga dhigay sugida amniga  ayaa awaamiir culus duldhigay saraakiisha ciidamada iyo golihiisa xukuumadda xilli uu shir guddoominayey shirkii todobaad laha ahaa ee golaha xukuumadda.

Madaxwayanaha ayaa ka hadlay ahmiyada nabadeeynta Puntland iyo sida ay lama huraan u tahay in la helo ciidamo amaan oo ayan ka faa’iidaysan qolooyinka nabad diidka ah.

MW  Deni ayaa ku amray golaha wasiirada, saraakiisha ciidamada, maamulada gobolada iyo degmooyinka inay ahmiyaddooda 1aad siiyaan sugidda ammaanka dadka iyo dhulka Puntland.

Talaabada uu qaaday madaxweynaha ayaa ku soo aadayso iyada oo ciidamada dowlada fedaraalka iyo kooxda Al Shabaab isku dhex milmeen.

mm
Safia Ali Yasin

Muqdisho Online main headquarter is in Mogadishu, Somalia, but the office remains anonymous, because of constant threats against its staff.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here