MW Deni oo Addis Ababa kula kulmay madaxda Itoobiya, maxaa laga hadlay?

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mudo labo casho ah ku sugnaa magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya inta uusan u dhoofin dalka Kenya. Intii uu uu ku sugnaa Addis Ababa waxa uu la kulmay qaar kamida madaxda dowlada Itoobiya.

Madaxda uu la kulmay waxaa kamida Madaxa Sirdoonka dalka Itoobiya iyo qaar kamida Wasiiro kamida xukumaada Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad. Sida ay MOL u xaqiijiyeen ilo la kulsoon yahay labada dhinac ayaa ka hadlay arimo ay ka mid yihiin  dagaalka Laascaanood, dhismaha wadada Garacad ku xirta Itoobiya iyo qorshaha Dowlada Itoobiya ay ku doonayso inay kaalin ka qaadato la dagaalanka ururka Aragagaxisada.

Warar hodhaca ah ayaa sidoo kale sheegaya intii uu Madaxweyne Deni ku sugnaa dalka Itooniya inuu kulan qarsoodi ah oo aan lala wadaagin warbaahinta uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya.

Kulankaan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay guriga uu degan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmad. Inkastoo aan MOL helin xogta rasmiga ah ee ay kawada hadleen labada dhinac hadana waxaa la sheegayaa in Abiy Axmad uu ka helay codsi Madaxweyne Xasan Sheekh uga yimid kaas oo ah in lala heshiisiyo MW Deni.

Sida ay muujinayaan ifafaalaha ka soo baxay kulamadii shirka Addis Ababa, ma muuqato heshiis la dhexdhegay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo MW Saciid Deni.

Dhanka kale waxaa iyagana ku sugnaa magaalada Addis Ababa wafdi ka socday dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay Madaxweyne Saciid Deni.