MW Deni oo abaabul ciidan kawada Gobolka Bari iyo Cabsi dagaal oo jirta

Reading Time: < 1 minute

Waxa ka socda degaano ka tirsan Puntland abaabul dagaal uu hogaaminayo Sacia Deni kaas oo la doonayo in lagu qasbo ciidanka PSF inay aqbaal hogaanka cusub ee uu mgacaabay Saciid Cabdulahi Deni.

Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya  in Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta dowlad Goboleedka Puntland ayaa habeenimadii xalay aheyd gaaray Saldhig weyn oo degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari ku lahaayeen Ciidanka PSF.

Ciidanka PSF-ta ayaa gelinkii dambe ee shalay isaga baxay Saldhiga ay ku lahaayeen degaanka Sugurre, kadib markii Ciidamada ay gadood ka sameeyeen xilka qaadis uu Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ku sameeyay Agaasimahoodii Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano).

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidanka Daraawiishta ee tegay Saldhiga Sugurre ay ahaayeen kuwo watay gaadiidka nooca dagaalka, isla markaana laga kala keenay degaano ka tirsan Gobolka Mudug.

Ciidamada Daraawiishta ayaa la sheegay inay isku fidiyeen dhammaan goobihii ay ka soo baxeen Ciidanka PSF Puntland oo ka gadooday xilka qaadis lagu sameeyay Agaasime Maxamuud Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), isagoona ka hor yimid xilka qaadista.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka PSF ayaa ku tilmaamay xilka qaadista uu sameeyay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni mid baalmarsan sharciyadda xeerka Ciidamada iyo dhaqanka suubban, “Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

PSF ayaa sheegay inay la socdaan cidda xiriirada gurracan la samaynaysa cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, isla markaana ay difaaci doonaan, waxaana Ciidanka ay isaga baxeen Degaanka Sugurre oo ka tirsan buuraleyda Golis, iyagoona halkaas ku lahaa Saldhig weyn.

Dhanka kale shacabka ku dhaqan Gobolka Bari ayaa ugu baaqay Madxaweyne Deni in uusan dagaal ka hurin degaanada hoos yimaada Gobolka Bari.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!