MW Deni iyo xisbigiisa oo looga adkaaday doorashada duqa degmada Qardho

Reading Time: < 1 minute

MW Saciid Deni iyo xibigiisa ayaa looga adkaaday doorashada duqa magalaadda Qardho. Waxaa muuqata in uu sidoo kale uu lumin doono doorashada sadexda degmo kale ee iyaduna ay doorashada ka dhici doonto.

Golaha degaanka cusub ee degmada Qardho oo ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee dhacday 25 October 2021 ayaa shalay doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

Duqa degmada Qardho waxa ku guulaystay Cabdi Siciid Qaal oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye kadib markii uu 20 cod ka helay tirada guud ee xubnaha golaha degaanka oo ka kooban 33 xubnood.

Maxamed Faarax Cabdi Buraale oo la tartamay islamarkaana ka socday urur siyaasadeedka Xukuumadda ee Kaah ayaa isna helay 13 cod oo keliya.

Sidoo kale Maxamed Cabdillaahi Siciid oo ka tirsan urur-siyaasadeedka Sincad ayaa ku guuleystay Guddoomiye ku-xigeenka degmada Qardho.

Urur siyaasadeedyada mucaaradka ah ee SINCAD iyo Mideeye ayaa ururka Xukuumadda ee Kaah kaga adkaaday doorashada kadib markii ay samaysteen isbaheysi. Adkaanshaha Saxiid Deni looga adkaady degmadiisa waxa ay kuu cadeynaysaa in naceeb xun loo qaaday Saciid Deni iyo saaxiibadiisa.