MW Deni iyo Juxa oo lagu eedeeyay faragalinta doorashada gudoonka TPEC

Reading Time: < 1 minute

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda yeesho guddoon rasmi ah. Guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa sida la filayo iska dhex dooran doona guddoonka guddigaas.

Sida ah sheegayaa  xogo lagu kalsoon yahay  Madaxda Puntland oo uu u horeeyo Madaxweyne Saciid Deni iyo Wasiir Juxa  ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa in guddoomiyaha KMG ah ee hadda jooga TPEC Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku soo baxo guddoomiye rasmi ah.

Madaxda Puntland ayaa sidoo kale wadda in guddoomiye ku xigeenka TPEC uu ku soo baxo xubin lagu magacaabo Mahad Bashiir Nuur. Talabadaan ayaa dubadiiba i shaki ka dhex dhalisay ururada Mucaaradka ee doonaya inay ku tartamaan doorashada dowladaha hoose ee Puntland.