Saciid Deni “Ma qaban karaa Doorasho xor & xalaal ah isagoo aan muddo kororsi sameysan?”

Reading Time: 3 minutes

MW Deni ayaa beryahan wada buuq iyo qaylodhaan qiiq isku qaris ah oo uu Federaalka waxa kaga sheegayo iyo inuu Puntland la tashi ugu soo noqday. Deni wuxuu isku dayayaa awr kacsi iyo inuu reer Puntand ku beerlaxawsado inay ku soo celiyaan talada iyo hogaanka si uu isaga dhigo nin dantooda ka shaqeynaya.

Inta badan waxaa la ogaaday in dadka qeylinayaa ay u qeylinayaan dano shakhsi midkoodna dan qaran ama mid maamul ma wado. MW Deni waxaa uu ku leeyahay waa in Distuurka lagu qoraa degaanada Maamullada Somaliland iyo Puntland isku haystaan iyo qaabka loo wajahayo.

Runtii faham la’aan siyaasadda waayo doodda Dhameystirka distuurka shaqo kuma laha , mana mid hoos u gasha arrimaha qaarkood ee xuduudaha degmooyinka dalka waa arrin siyaasadeed oo wadahal in lagu xalliyaa ay tahay.

Haddii caawa uu yeero RW dalka oo uu yiraahdo qeylida iska dhaafe maxaad rabtaa wuxuu leeyahay “ Boowe markale ha la iigugu daro Puntland”, laakiin ma oranayo inaan 5 sano oo kale Puntland sii joogaa maxay uga dhigan tahay Puntland oo hadda joogta inay kacdo dhaqaale ahaan iyo saameyn ahaanta siyaasadeed ee dalka, dhexdeeda wiilasheeda ku gowracay welina uu la taagan yahay inuu xoog isticmaali doono haddii uu nabad ku waayo  taladeeda.

Ma waxaa jirta dan gaar ah oo ay Puntland leedahay oo aysan maamul Goboleedyada kale lahayn? Maya ee waxaa jirta raganimo ay leeyihiin madaxda maamul goboleedyada kale oo gartay in maamulkooda uu xil ka saaran yahay in qarankan uu horay u socdo lana qabto hawlaha ka dhiman si dalka u gaaro doorasho qof iyo cod ah.

Deni mar uu hadlayey waxaa uu sheegay inay Puntland diiday qodobadaan soo socda:

  1. Awood qaybsiga Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed. Qodobkaan maaha qodob Puntland u gaar ah ee waa qodob qaran oo haddii inta ay ogolaadeen ma jirto sabab uu Siciid kligii ku diido, isagoon sheegin dooddiisa iyo waxa ay Puntland gaarka u rabto. MW Deni waxaa toos u diidan yahay In la dhameystiro Distuurka oo Puntland shacabkeeda beenta uga sheegayaa sidii iyagoo diidan in la aado doorasho qof iyo cod ah si madaxda ay iyagu rabaan iyo xildhibaanada matalaya aan loo soo xuline u soo doortaan.
  2. Arimaha khuseeya madaxbanaanida Maxkamadaha Dawlad Goboleedyadda. Qodobkaan waa muhiim waana sax inuu garsoorka madax bannaan yahay laakiin dowlado dalka ma kala ah waa inay jirtaa meel ay waxa oo dhan ku soo biyashubtaan si haddii tusaale laba laba maamul goboleed isku qabsadaan dhacdo waa in loo noqdaa Federaalka oo ay kala saartaa, garsoorka dowlad Goboleedkana waa inuu mar waliba hoos tagaa kan Federaalka oo uu noqdaan mid dalka u siman. Laakiin haddey qolo waliba leedahy garsoor u gaar ah hadda dal lama aha. In la hagaajiyo garsoorka dalka si qofka Somaliga ah meelkasta oo uu Jamhuuriyadda ka joogo uu u ogyahay waxaa uu ka filanayo garsoorka dalka ee aan Puntland ama K/Galbeed si kala duwan loo xukumin fal dambiyeed isku mid ka ah dhan walba ama is qabsiga laba DG.
  3. Arinta Soomaaliland iyo Soomaaliya in la dhamaystiro ka hor inta aan la dhamaystirin Dastuurka Federalka Soomaaliyeed.In arrinkaan lagu xero dhameystirka distuurka waa khalad weyn iyo yaan waxba is badalin ee halkaan joogno.
  4. Sidoo kale waxaa uu diidan yahay Deni in la sameeyo diiwaagelin qaran si dadka Somaliyeed oo dhan loo tirakoobo sidii inay Puntland ka cabsaneyso tirakoobka guud ee dalka, waxaanu rabaa inuu hadda tirakoob jeebkiissa ah ka sameeyo degmooyin Puntland ah si uu codadka ugu saleeyo qaab isga u shaqeynaya si uu ugu soo noqdo talada Puntland doorashada soo socota ee Puntland ka dhici doonta, taas oo keeni doonta dib u dhac weyn oo Maamulkaas ku yimaada.

Dagaalka iyo buuqa MW Deni waxaa uu u muuqdaa mid daneysi ah oo ah cadkaanow ku canay ama ku ciddee, reer Puntland-na arrimaha noocaas ah waa ka koreen oo waxay jiraan muddo dheer maamul ahaan waxayna aamisan yihiin midnimada dalka iyo xorriyadda shakhsiga ee  ku dhexjirtaa shuruucda dalka lagu xisaabtamo.

Sidaas Darteed, Dani ha joojiyo awrkacsiga uu Federaalka kula meermeerayo ha iska dhigo nin rag ah oo doorasho cadaalad ah haka qabto Puntland oo dadkeeda six or ah ha u soo ceshadaan si haddii qaranka hogaankiisa uu damac ka galo uu uga dhigto taariikh u shaqeysa.