Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday magaalada Boosaaso ayaa si adag uga hadlay dagaalka Laascaanood. Madaxweyne Siciid Deni ayaa ugu horrayn caddeeyay in aysan Puntland gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalkaas islamarkaana ay ku kalsoon tahay in dadka SSC ku filan yihiin difaaca dhulkooda.
Waxaase uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dagaalka qayb ka noqoto haddii dadka Reer SSC-Khaatumo ay ka dalbadaan arrintaas. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay Taliska Muuse Biixi kula xisabatami doonto dhibaatada uu ka geystay Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood.
MW Deni ayaa sheegay in dastuurka Puntland ay ku qorantahay in Gobolka Sool uu ka mid yahay Puntland haddana waxa uu yiri in ay Puntland ogoshay in dadkaasi ay aayahooda ka tashadaan. Waxa uu ku celceliyay in Puntland difaaceyso shacabka iyo dhulka reer Sool.
Iyada oo lawada og yahay in Puntland dagaalka si xoog leh ugu jirto ayaa MW Deni, waxa uu sheegay in hadda ay mus-dambeed u yihiin reer Sool, haddiise Golaha Dhaqanka ka codsadaan ay galayaan dagaalka.