Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in deegaannada Puntland ay yaalaan kheyraadka ugu badan ee Soomaaliya, sida kalluunka, macdanta iyo shidaalka ku jira dalka.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa xusay in uu rumeysan yahay in 60% macdanta iyo shidaalka Soomaaliya uu ku jiro deegaannada Puntland, aysana aheyn Puntland in dadkeedu maanta ka guuraan, balse la rabo in iyada loo ay u soo shaqo tagaan oo ay dagaan dadka kale ee Soomaaliyeed iyo ajaanibta.
“Marka Soomaaliya la fiiriyo Puntland waa meelaha ugu kheyraadka badan in dad naga tagaan ma ahee dad u soo hijrooday inay yimaadaan baan rajeynayaa oo kheyraadka nala wadaaga, macdanta ugu badan waxaa la rajeynayaa inay goballadan ku jirto, 50% xeebta Soomaaliya leedahay Puntland bay ku taallaa, dhulka Soomaaliya saddex meeloodoo meel halka buu ku yaallaa.”
“Waxaan rujeys nahay macdanta iyo batroolka Soomaali leedahay 60% wax ka badan dhulkan buu ku jiraa, dhul la quuri karo ma aha, dhul laga hijroon karana ma aha, wiilasheenuna badaha inay maraan sax ma aha, dadkeenuna meelo kale inay aadaan ma aha” ayuu intaa ku daray Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalin kahor la hadlayay boqolaal kamid ah bulshada iyo waxgaradka Boosaaso.