MW Dani oo kusoo wajahan Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Madaxweeynaha Dowlad Gobaleedka Puntland ayaa la filaya in saacadaha soo socdo uu soo gaaro magaalada Muqdisho .

qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Puntland oo la hadlay MOL  ayaa waxa ay inoo xaqiijiyeen in Saciid Cabdullahi Deni uu maanta gelinka hore imaan doono magaalada Muqdisho.

Madaxweeyne Deni ayaa lagu wadaa in uu Muqdisho kaga qeyb galo shirka arrimaha doorashooyinka dalka oo la filayo in uu ka dhaco xarunta ciidamada Cirka ee Afisiyooni.