MW Dani oo kulan kula yeeshay Garowe guddiga dhismaha dekedda Garacad

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanka Magaalada Garowe, Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulam kula yeeshay guddiga dhismaha dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.War kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay dhameystirka wejiga koowaad ee dhismaha dekadda Garacad.

 Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay in degaanka Gacarad laga hawl-geliyo hay’addaha dowladda, si loo gaarsiiyo mashaariicda horumarineed. Dhismaha dekedda Garacad oo ku socda hab isku-tashi ah, ayaa meel wanaagsan maraya, waxaana la doonaya in halkaas laga hirgeliyo deked ganacsi.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!